Wednesday, June 25, 2025

Ahlu suna-da Gobolada Dhexe oo wafdi uu hogaaminayay Axmed C/slaan u diiday inay tagaan degaanadeeda

Maamulka Ahlu suna ee Goboladda Dhexe ayaa u diiday inay degaanada ay ka taliyaan yimaadaan wafdi uu hogaaminayay siyaasiga Axmed C/salaan Xaaji Aadan  oo lagu waday inay maanta u tagaan magaalada Dhuusamareeb.

Axmed Cabdisalaan ayaa la sheegay inay la socdeen odayaal ay isku heyb yihiin oo doonayay inay tagaan Dhuusmareeb iyo Guriceel iyagoo sheegay inaysan u socon arrimo siyaasadeed balse ay doonayeen inay dadka degaankaasi xaaladooda soo arkaan isla markaana la kulmaan.

Ahlu suna ayaa ku wargelisay Axmed C/slaan oo ahaa safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhiyay Adis ababa iyo musharax u tartamay xilka madaxweynaha Galmudug inuusan imaan karin degaanada Ahlu suna, taasoo keentay in wafdiga uu baaqdo.

Ciidamo ka tirsan Ahlu suna ayaa la geeyay saaka garoomada diyaaradaha ee Dhuusamareeb iyo Guriceel si ay u celiyaan wafdiga lagu waday inuu ka duulo Muqdisho haddii ay isku dayaan inay halkaasi tagaan.

Ahlu suna ayaa ku adkeysaneysa inaysan wax wadahadal ah la galeynin cid aan ahayn dowlada federaalka iyadoo arrintaasi ay xiriir hoose la leedahay siyaasiyiin iyo xildhibaano ka mida dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON