Wararka laga helayo degaanka Xeraale ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in xiisad dagaal ka taagan tahay halkaasi.
Arrintan ayaa ka dhalatay kadib markii Ahlu suna oo fara badan ay gaareen duleedka magaaladaasi, iyadoo hore loogu jebiyay dagaaladii dhex maray maleeshiyada degaanka.
Ahlu suna ayaa la sheegay inay magaalada Dhuusamareeb ay ka abaabuleen ciidamo wata in ka badan toban Gaari oo kuwa dagaalka ah, si ay dib ugu qabsadaan degaanka xeraale ee Gobalka Galgaduud.
Gudoomiyaha degaanka Xeraalle ee Galmudug Bashiir Daahir Dhega-badan ayaa sheegay in ciidamada iyo Gaadiidka dagaalka ee hubka culus wata ay ku wareegsan yihiin Xeraale, iyadoo dagaal kale Ahlu suna soo qaaday.
Xaaladda Xeraale ayaa saaka kacsan iyadoo laga cabsi qabo in dagaal kale uu degaakaasi ka qarxo.