Tuesday, June 24, 2025

Ahlu suna oo Dowladda Soomaaliya uga hormartay xalinta colaadii Hiiraan & Meydad la helay

Maamulka Ahlu suna ee Gobollade Dhexe ayaa shaacisay inay kala qaadeen maleeshiyo Beeleedkii ku dagaalamay Gobolka Hiiraan.

Ciidamada Ahlu suna ayaa saaka gaaray degaanada lagu dagaalmay, waxayna sheegeen inay ilaa 10 KM ay kala durkiyeen maleeshiyadii labada beelood ee dagaalka ba’an ku dhex marayay degaanadaasi.

Arrintan ayaa timid iyadoo ciidamda dowladda Soomaaliya ay sheegeen inay ciidamo kala dhex dhigayaan labada beelood ee dagaalamaya, waxaana iyagoo aan tallaabo qaadin ka hormaray kooxda Ahlu suna oo ciidamadooda geeyay halkaasi.

Dhinaca kale meydadka lix qof ayaa laga helay degaanka Baanyaaleey ee Gobolka Hiiraan ee dagaaladu ka dhaceen, waxaana dadka dagaalka ku dhintay ay sare u dhaafeen 20.

Madaxa Warfaafinta Ahlusunna Muxuyadiin Cali Jimcaale Jakuula ayaa sheegay in ay kala qaadeen Maleeshiyaadkii Dagaalamay islamarkaana ay kal durjiyeen illaa 10 KM. Wuxuu kaloo shjeegay in goobta ay ka qaadeen Meydadka Lix Qof oo ku dhintay Dagaalkii ka dhacay halkaas islamarkaana lagu Wareejiyay Ehelkooda si loo aaso.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON