Kooxda Ahlu suna e gobollada dhexe ayaa ogolaatay inay dib u furto warbaahintii madaxa bannaaeyd ee ka howl galeysay Guriceel iyo Dhuusamareeb oo ay dhowaan xireen maamulka Ahlu suna kadib khilaaf soo dhex galay saxafiyiinta degaankaasi oo ay ammaro culus ku soo rogeen.
Arrintan ayaa ka danbeysay heshiis ay galabta gaareen saxafiyiinta degaankaasi iyo Ahlu suna oo ay ka soo shaqeeyeen ganacsato iyo waxgarad degaankaas ku dhaqan. Wada-shaqeyn iyo is-faham ayaa lagu dhawaaqay inay gaareenMas’uuliyiinta Maamulka Ahlusunna Wal-jamaaca ee Gobollada Dhexe iyo Wariyaasha ka Howlgala Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb.
Heshiiskan wxuuu dhigayaa in dib loo furo Idaacadaha ku yaaka Guriceel iyo Dhuusamareeb oo Mudo u Xirnaa Ahlusunna Waljamaaca iyo inay degaanka dib ugu soo laabtaan saxafiyiintii isaga cararay oo ku sugan Cadaado.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]