Waxaa soo gabagaboobay dagaalkii Guriceel, iyadoo waanwaan socotay ilaa xalay lagu soo dhammeeyay in hoggaamiyaha Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo ciidankiisii ay ka baxaan Guriceel.
Waanwaanta uu markii danbe ogolaaday Sheekh Shaakir waxaa gacan ka geystay xubno uu ka mid yahay Ganacsade Xaashi Carrabey oo ehel la lah Sheekha, Cabdi Qeybdiid iyo xubno kale, waxayna waanwaantu sii xoogeysatay shalay subax ilaa xalay oo Sheekh Shaakir uu qaatay heshiiska uu uga baxayo Xaruntii uu ku sugnaa.
Sheekh Shaakir ayaa aqbalay inuu ka saaro ciidamadiisa ka saaro magaalada Guriceel, isagana aan waxba loo raacan, waxayna Sheekha iyo ciidamadiisu tageen degaanka Goodwiil oo 15 km ah u jirta magaalada Guriceel.
Kadib markii ay ciidamada Ahlu suna ka baxeen aagga Jaamacadda waxaa halkaas tegay ciidamada dowladda, iyadoo kormeeray dhufeysyadii ciidamada Ahu suna, waxaana halkaasi la sheegay in lagu arkay meydan badan oo qaarkood la aasay iyo qaar kale oo aan la aaasin.
Ahlusunna ayaa fariisinkii ay ku lahaayeen Jaamacadda waxaa la sheegay inayuga tageen laba Gaari oo kala ah: Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaayeen ciidamada Dowladda, ayna ku qabsadeen dagaalkii Bohol ka dhacay, taasoo la sheegay inay qeyb ka ahayd waanwaanta.
Dagaalkii Guriceel ka socday Afarta Maalmood oo qasaare badan dhaliyey ayaa hadda soo afjarmay, waxaana la ogeyn halka xoogaga Ahlusunna ay wajahi doonaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya inuu Sheekh Shaakir ka baxay Guriceel maalin ka hor, iyadoo uu waanwaanta ugu jiray inuu ka saaro ciidamada ka go’doonsan, laakiin ma jirto cid xaqiijisay sheegashada sarakiisha ciidamada dowladda.
