Friday, June 27, 2025

Ahlu suna oo madax furasho u qabsatay Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya

Maamulka Ahlu suna ee Gobollada Dhexe ee Soomaaliya ayaa madax furasho ahaan u qabsaday sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugidda Soomaaliyeed.

Warar laga helay magaalada Dhuusa-Mareeb ayaa sheegaya inay muddo toddobaad ka badan ay afduub ku heystaan Ciidamada Ahlu-sunna sarkaal lagu magacaabo Daahir Aadan Faarax.

Xiriir Ahlu suna la sameeyeen ehelada sarkaalka ayaa sheegay inay dalbadeen in la sii daayo ciidamo Ahlu suna ay maxaabiis ahaan uga qabsadeen maamulka Galmudug dagaaladii ka dhacay degaanka Godinlabe.

Sarkaalka ayaa wararka qaar sheegeen inuu shaqsi ah u tegay Dhuusamareeb oo aanu xilliga la qabtay ku jirin wax howl ciidan ah, taasoo ay ka faa’iideysteen ciidamada Ahlu Sunna.

Maamulka Ahlu suna ee gobollada Dhexe iyo ciidamada NISA ayaan wax war ah oo rasmi ah kas oo saarin qabsashada sarkaalkan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON