Wednesday, June 25, 2025

Ahlu suna oo shaacisay Dagaal Culus oo ay ku qaadi doonto Degaanka Xeraale

Kooxda Alhu sunna ee Gobollada Dhexe ayaa digniin kama danbeys ah u diray maleeshiyada degaanka Xeraalka oo dagaallo qaraar ay dhex mareen.

Sarkaalka maamulka Ahlu suna u qaabilsan degaankaasi Mascuud  Maxamed Warsame, isla markaana hoggaaminaya dagaalkii ayaa ku amray maleeshiyada degaankaasi inay isag baxeen Xeraale.

Isagoo warbaahinta kula hadlay duleedka Xeraale ayuu sheegay inaysan Ahlu suna u dulqaadan doonin Maleeshiyada ku sugan Xeraale, wuxuuna in haddii ay ka bixi waayaan ay dagaal culus ku qaadi doonaan.

Waanwaan u socotay labada dhinac ayaa la sheegay inay socon weyday, waxaana Ahlu suna ay ku eedeysan maleeshiyada degaanka inay xiriir la leeyihiin maamulka Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON