Monday, July 14, 2025

Ahlu Suna oo weerar gaadmo ah ku dhaawacday Sarkaal ka tirsan Milateriga Somaliya

Maleeshiyada maamulka Ahlu Sunna ee Gobollada Dhexe ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo uu la socday sarkaal ka tirsan Milateriga Soomaaliya inta u dhaxeysa Cadaado iyo Caabudwaaq.

Weerarkan oo ahaa mid maleeshiyada Ahlu suna ay jidka u galeen sarkaalka iyo ciidanka la socday ayaa waxaa dhaawac kasoo gaaray  Cabdiweli Siyaad oo ka tirsan saraakiisha ciidamada Xoogga ee Gobollada Dhexe.

Lama oga sababta Ahlu suna u weerartay saraakiisha ciidamada Milateriga, waxaana xaaladiisa la sheegay in dhaawaciiisa loo qaaday  magaalada Muqdisho.

Sarkaalkan C/weli Siyaad ayaa wararku sheegayaan inuu hore uga goostay kooxda Ahlusunna ee gobollada Dhexe.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON