Ciidamada Maamulka Ahlusunna ayaa weerar ku qaaday galabta oo xabsi dhigay nin lagu magacaabo C/llaahi Cabdi Dhoodi oo maanta sheegtay inuu yahay Madaxweynaha Gobolada Dhexe ee Ahlusunna, laguna doortay magaalada Dhuusmareeb.
Warka ayaa sheegaya in weerarka uu ka dhacay degaanka Ceeldheere ee Gobolka Galgaduud oo uu ku sugnaa ninkan ,waxaana Weerarkaasi ka dhashay khasaaro iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawac ka yimid dagaal dhex maray ilaalo uu watay ninkan iyo ciidamadii Ahlu suna ee weerarka ku qaaday. Mid ka mida Ciidamadii Ilaalada C/llaahi Dhoodi ayaa weerarka lagu dilay , waxaana dhaawac soo gaaray kuwo kale.
Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Ahlusuna ee Weerarka ku qaaday Mudane Dhoodi ay ku Guuleesteen in ay Xabsiga dhigaan,waxaana lagu xiray Xabsi ku yaalla Magaalada Dhuusamareb.
Ahlusunna wali war kama soo saarin Howlgalka lagu soo qabtay Ninkaan sheegtay inuu yahay M/weynaha Ahlusunnada Gobolada Dhexe.
Goobjooge.com