Monday, July 14, 2025

Ahlu Suna oo weriyeyaal ku xirxirtay Magaalada Dhuusamareeb

Kooxda Ahlu suna ee goboladda dhexe ayaa magaalada Dhuusamareeb ka sameeyay howlgal ay ku qab-qabanayaan weriyeyaal ka howlgala magaaladaasi kadib markii kooxda ay soo rogtay sharci ay sheegtay inay ku maamuleyso weriyeyaasha, kaasoo xayiraad badan ku soo rogay saxafiyiinta degaankaasi.

dhuusamareeb

Ciidamada Ahlu suna ayaa guryahooda kasoo qabtay saddex weriye oo u shaqeeya hay’ado warbaahineed kala duwan, kuwaasoo  kala ah: Maxamed Cabdi Maxamed , C/jamaal Macalim Axmed iyo Bashiir Maxamed Salaa, waxayna weriyeyaashan u shaqeeyan TV-da dowladda SNTV, Telefishanka Horn Cable, TV-ga Kalsan iyo idaacadda Bar-kulan.

Wararka laga helayo Dhuusamareeb ayaa sheegay in weriyeyaal kale loo yeeray si loo xiro, waxaana maalmihii ugu danbeeyay sii kordhayay khilaafka ka dhex taagan kooxda Ahlu suna iyo weriyeyaasha ka howlgala degaanada ay ka taliso kooxda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON