Friday, June 27, 2025

Ahlu sunna oo la wareegtay Caabudwaaq iyo taageerayaasha Galmudug oo laga saaray (Warbixin)

Dagaalo ka dhacay degmada Caabudwaaq xalay iyo saaka oo Jimce ahayd ee Gobolka Galgaduud ayaa dhaliyay in kooxda Ahlu suna ay la wareegto gacan ku heynta magaaladaasi oo ay kaga adkaatay kooxdii taageersaneyd maamulka Galmudug.

ahlusuna-sax

Wararka laga helayo Caabudwaaq  ayaa sheegaya in maamulka degmada uu ka hadlay xaaladda magaalada gashay ayna caddeeyeen in magaalada laga saaray maleeshiyado ay sheegeen inay qas ka waday oo isku dayay inay fitno ka huriyaan degaankaasi.

Waxaa magaalada Caabudwaaq gacanta ku dhigay ciidamada Ahlu suna  oo magaalada u galay inay gacan siiyaan ciidamo madani ah oo dadka Degaanka ay u sameeyeen Degmada.

Koox taabacsan maamulka Galmudug ee C/kariin Guuleed hogaamiyo oo madaxweyne ku xigeen ka yahay Maxamed Xaashi Carabey ayaa xalay weeraray saldhiga ay joogeen kooxda taabacsan Ahlu suna iyadoo weerarkaasina ay ku fashilmeen, qasaare dhimasho 2 ruux iyo dhaawac 4 kale ayaa ka dhashay dagaalkaasi, waxaana dibadda looga saaray kooxdii taabacsaneyd maamulka Galmudug.

Odayaasha degaanka Waqooyiga Galgaduud ayaa u muuqda inay u janjeeraan dhinaca Ahlu suna kadib markii ciidamo xerta Ahlu suna ah ay ku wareejiyaan Caabudwaaq, waxaana loolanka ka dhaxeeya labada maamul ee Galmudug iyo Ahlu sunna laga cabsi qabaa inuu degaankaasi colaad u soo jiido.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON