Friday, July 25, 2025

Ahlusunna oo Madaxweyne cusub ku dooratay shirkii Dhuusamareeb

Shirkii dhowaan ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee kooxda Ahlu suna sheegtay in maamul loogu dhisayo saddexda Gobol ee Mudug, Galgaduud iyo Hiiraan ayaa looga dhawaaqay in madaxweyne lagu doortay.

ahlu-Sunna

Madaxweynaha Maamulkan cusub ee sida degdegta ah  Ahlu sunna ugu dhawaaqday maanta ayaa la sheegay inuu yahay Sheekh Maxamed Shaakir oo ahaa kusimaha Gudoomiyaha golaha fulinta Ahlu sunna Waljamaaca, iyadoo la sheegay in xilka ay u doorteen ergada saddexda gobol.

Doorashada oo maanta dhacday ayaa waxaa Sheekh Maxamed Shaakir  kula tartamay musharixiin kale oo ay ka mid ahaayeen, Wasiirkii arrimaha gudaha Ximan & Xeeb, Maxamed Xaaji Xuseen iyo Afhayeenkii Maamulka Ximan  Careys Maxamed Xaaji.

Degdegga lagu doortay madaxweyne iyo sida Ahlu sunna ugu dhaqaaqday tallaabadani ayaa muujineysa inuu yahay shir laab la kac ahaa oo kaliya looga dan leeyahay in lagu mucaarado maamulka lagu dhisayo Cadaado.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON