Taliska Ciidamada dowladda iyo Jubbaland ayaa shaaciyay in wearar ay wadajir u qaadeen lagu burburiyay xarun Alshabaab ku lahayd duleedka Weelmaaro, duleedka Af-madow ee Gobolka J/Hoose.
War ay soo saareen Ciidanka XDS Danab ayaa lagu sheegay in duleedka Weelmaaro lagu dilay ilaa 17 kamid ah khawaarijta Alshabaab, kadib howlgal howlgalkan oo gaar ahaa.
Maleeshiyada weerarkan lagu dilay ayaa la sheeay inay dhowaan ka qalin jabiyeen dugsi is-qarxinta ee Alshabaab ku lahayd degaanka Caanoole ee duleedka Degmada Bu’aale, Gobolka Jubbada Dhexe.
Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la sheegay in laga helay telefoonadii laga furtay meydadka maleeshiyadii la dilay, waxaan ka mid ahaa ajaaniib badan oo isugu jira Kenyan iyo Oromo.