Thursday, June 26, 2025

Ajendayaasha shirka Kismaayo oo la diyaariyay & Madaxda Maamullada oo ku qulqulaya

Kulamadii magaalada Kismaayo uga wasiiro iyo la-taliyeyaal ka tirsan maamul Goboleedyada dalka ayaa lasoo gabagabeeyay iyadoo la isku raacay ajendayaasha shirka madaxda maamul Goboleedyada ee magaalada Kismaayo.

Waxaa magaalada Kismaayo ku sugan wasiiro ka tirsan maamul Goboleedyada dalka iyo la-taliyeyaasha madaxweynayaasha maamulladaasi oo kulamo gogol xaar ah uga socdeen magaalada Kismaayo.

Ajendayaasha shirka Kismaayo ee madaxda maamul Goboleedyada ayaa lagu soo koobay: Xiriirka Maamul Goboleedyada iyo dowladda federaalka ay ku hoos jiraan qoddobada arrimaha dibadda, khilaafka Galmudug iyo wadashaqeynta labada dhinac.

Dhinaca kale madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee iska xaadiriya magaalada Kismaayo, isagoo goor dhow ka degay magaalada, kadib markii uu ka duulay magaalada Baydhaba oo maalmo ka hor uu tegay, markii uu kasoo laabtay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxda maamullada intooda badan ayaa lagu wadaa inay maalinta Berri ee Sabtida tagaan magaalada Kismaayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON