Sunday, July 6, 2025
HomeMadaxtooyadaAKHIRO: 5 Arrimood oo ay isaga mid yihiin Madaxweynayasha Farmajo & Xasan...

AKHIRO: 5 Arrimood oo ay isaga mid yihiin Madaxweynayasha Farmajo & Xasan Sheekh [Faaqidaad]

-

Farmajo = Xasan Sheekh

Madaxweyne Farmaajo

1- DOORASHADA 2017: Maxamed C/llaahi (Farmaajo) wuxuu doorashada ku galay olole ay hormuud ka ahaayeen dhalinyaro, waxaana geed fadhi u ahaa saaxiibkii Fahad Yaasiin, iyadoo ay ku bixiyeen lacag lagu laaluushay xildhibaannada oo midkiiba la siiyey $30,000. [Caddeynta halkan]

2- BALLANQAAD: Labadii sano ee ugu horeysay madaxweyne Farmaajo wuxuu ku fashilmay fulinta ballanqaadyadii uu sameeyay xilligii uu musharaxa ahaa, waxaana meesha ka baxay dhammaan sababihii uu doorashada ku galay oo ku soo wada noqday.

3- MUSUQA: Madaxweyne Farmaajo wuxuu Xasan Sheekh kala mid noqday Musuqa, iyadoo Mooshinnada loo adeegsado laaluush, wuxuuna dhaqaale ku bixiyey xil ka qaadistii guddoomiyaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) iyo doorashadii Madaxweynaha K/Galbeed ee uu ku soo baxay musharaxiii uu watay C/casiis Lafta-gareen. Xilliga Farmaajo waxaa si weyn u kordhay musuqa , waxayna Soomaaliya baaqi ku tahay dalka ugu musuqa badan dunida, iyadoo Farmaajo adeegsado musuq saaxiibo ku saleysan, Dowladda Farmaajo waxay soo kordhisay musuq kale oo salka ku haya lacago loo qoray dad aan shaqaale dowladeed ahayn oo baraha bulshada ka difaaca dowladda iyo Warbaahinta, waxayna halkeeda kasii miistay heshiisyadii ay gashay dowladii Xasan Sheekh ee mugdiga weyn ku jiray.

4-SAFIIRADDA: Madaxweyne Farmaajo intii uu xilka hayey wuxuu si qarsoodi ah oo aan la shaacin u magacaabay safiiro gaaraya in ka badan 10, waxaana xilka laga qaaday tiradaas oo kale; Golaha Wasiirada ayaana la horgeeyay safiiro la ansixiyey magac ahaan iyadoo aan la sheegin safaaradda loo magacaabayo, qaarkoodna lama horgeynin Golaha Wasiirada. Arrintan waxay ahayd dhaxal uu ka tegay Xasan Sheekh oo Farmaajo dhaqan geliyey.


5-SAFARADDA DIBADDA: Madaxweyne Farmaajo oo ololaha Doorashada ku galay inuu yareyn doono safarrada madaxweynaha ee dibadda, wuxuu nqoday madaxweynihii ugu safarka badnaa oo far dheeraaday Xasab Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh

DOORASHADA 2012: Xasan Sheekh Maxamuud, wuxuu ololaha doorashadiisii uu madaxweynaha ku noqday ku bixiyey kharash gaaraya $10,000, waxaana ololihiisa ka dhex muuqday saaxiibkiisii hore Fahad Yaasiin oo markii danbe ay isku dhaceen. Fahad ayaa ahaa saaxiibka ay wadaagaan labada madaxweyne ee kala danbeeyay, waxaana la sheegaa in lacagta doorashada ay bixiyaan dowlado shisheeye, Xasan Sheekh iyo Fahad Yaasin ayaa isku seegay khilaaf hoose oo keenay in Faarax C/qaadir iyo Fahad iska muuqan waayaan dowladdaasi, iyadoo uu tanaasulay kana baxay Fahad [Halkan ka akhriso].

2-BALLANQAAD: Muddadii 2-da sano ee ugu horreysay dowladdii Xasan Sheekh inta badan ma fulin balanqaadyadiisii waaweynaa ee afarta tiir oo ay ugu caansaneyd arrimaha dhaqaalaha iyo Oraahadii caanka ahayd ee “In Qoyska Soomaaliyeed uu helo wax uu cuno marka uu Guriga u soo hoydo..”, waxaana balanqaayada doorashada ay ahaayeen kuwo aan la gaari karin.

3- MUSUQA: Madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh wuxuu caan ku ahaa in mooshinnada ka dhanka ah Ra’iisal wasaarayaasha dhaqaale u adeegsado. Musuqa Xasan Sheekh ayaa xowli ku bilowday sanad kadib xukunkiisa, wuxuuna ahaa Musuq Qaraabo ku dhisan. Dowladda Xasan Sheekh waxaa lagu calaamadeeyay tii ugu musuqa badneyd ee dalka soo marta xilliyadii dambe, taasoo ay ugu wacneyd ku takrifalka hantida guud iyo heshiisyo mugdi badan ku jiray oo lala galay shirkado Soomaali iyo Ajnabi leh. Wuxuu dadaal iyo lacag ku bixiyay si uu doorashadaii Galmudug ugu soo baxo saaxiibkiis C/kariin Guuleed. Xasan Sheekh iyo saaxiibadiisa waxay ogolaayeen in lala tartamo, laakiin kooxda Farmaajo awood ciidan ayay u adeegsadeen si aan musharaxooda looga adkaan. [Baydhaba iyo wixii ka dhacay]


4-SAFIIRADDA: Xilligii uu Xasan Sheekh xilka hayey safiiradu waxay ahaayeen kuwo lagu gorgortamo oo lagu bixiyo heshiisyo beeleed iyo kuwo saaxiibo, waxaana magacaabidooda heshiis ku ahaa oo isla ogaa Madaxweynaha & Ra’iisal wasaaraha markaas jooga, iyadoo aanay Golaha Wasiirada la marin jiray oo kaliya ayna ku lahaayeen ansixin iyo magacyadooda oo la horkeeno.

5-SAFARADDA DIBADDA: Xasan Sheekh intii uu ka talinayey Villa Somalia waxaa si weyn loogu eedeeyay safarrada faraha badan ee dibadda uu ku aado, waxayna noqdeen in doorashada lagu galo si loo yareeyo safarradaasi, laakiin Farmaajo ayaa ka badiyey tiro ahaan marka la is barbar dhigo labadii sano ee ugu horeeyay waqtigiisa.

Inkastoo madaxweyne Farmaajo laba sano xilka haya, haddana arrimaha waaweyn ee dowladnimada tiirka ah wax weyn oo farqi ah uma dhaxeeyo isaga madaxweynihii ka horeeyay marka laga reebo in madaxda dowladda Farmaajo ay dadka marin habaabiyaan.