Saturday, April 20, 2024

Akhri magacyada In ku dhow 10 wasiir oo xilka laga qaadayo (Isku shaandheynta Golaha Wasiirada Somaliya)

In ku dhow 10 wasiir oo xilka laga qaadayo

Waxaa lagu wadaa in dhowaan isku shaandheyn lagu sameeyo Golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya sida ay Goobjooge.com tebisay dhowaan, waxayna isku shaandheynta cusub ay saameyn doontaa in ku dhow kala bara xubnaha wasiirada ah ee hadda xilka haya.

shaandho
Qaar kamida Golaha Wasiirada ee ay saameyn doonto isku shaandheynta

XUBNAHA AY SAAMEYN DOONTO ISKU SHAANDHEYNT CUSUB WAXAA KAMIDA:

  1. Ra’iisal wasaare ku xigeenka Maxamed Cumar Carte
  2. Wasiirka Arrimaha dibadda C/salaan Cumar Hadliye
  3. Wasiirka Caafimaadka Xaawo Maxamed Xasan
  4. Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Maxamed Xasan Aadan (Shaahiyow)
  5. Wasiirka Haweenka Sahra Maxamed Cali Samatar
  6. Wasiirka Waxbarashada Khadra Bashiir Cali
  7. Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuur Faarax Xersi
  8. Iyo xubno kale

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa arrintan kasoo shaqeeyay, waxaana weli la dhameystirin shaqsiyaadkii lagu bedeli lahaa wasiirada xilalka laga qaadayo ee miiska saaran.

Ad

Ma jirto wax faahfaahin ah oo laga bixiyay sababta xilka looga qaadayo wasiiradan, laakiin waxaa jira xog hoose oo sheegeysa inay yihiin wasiiro qorsheyaal u gaara wata ama qaarkood ay madax adkaadeen inay fuliyaan rabitaanka madaxweynaha ama Ra’iisal wasaaraha.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON