Wednesday, July 23, 2025

Akhriso: 11 Qodob oo Midowga Musharixiinta ku diideen Habraacyadii Doorashada & Digniin ka timid

Midowga Musharixiinta ayaa diiday Habraacyadii ay xalay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran ee ku saabsanaa Doorashooyinka Dadban ee 2021.

Qoraal ka kooban 11 Qodob ayaa looga digay colaad uu dhaliyo Habraacaasi oo Doorashadii u bedelay magacaabis. “Goluhu wuxuu si adag u diidayaa habraacii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ee ku aaddan doorashooyinka mudanayaasha Golaha Shacabka, gaar ahaan qodobbada la xariira Oday dhaqameedka, magacaabista bulshada rayadka ah, xulista, xaqiijinta, dabagalka iyo diiwan gelinta ergooyinka oo dhamaantood gacanta loo geliyey madaxda dawlad Goboleedyada” ayaa lagu yiri qoraalka Musharxiinta.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Goluhu wuxuu u arkaa habraaca doorashooyinka Golaha Shacabka ee ka soo baxay Golaha Watashiga in uu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 Maajo oo dhigaya in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad ah, xor iyo xalaalna ah.

Goluhu wuxuu in muddo ah hortaagnaa isku daygii uu madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamad C/llaahi Farmaajo ku doonayey in uu doorashooyinka dalka ku boobo. Waxaan suuragalahayn in Golaha Wadatashiga Qaran ay dhaqankii Farmaajo laga diiday u dabamareeyaan. Goluhu wuxuu u arkaa in habraacu uu dusha sare magac doorasho ka sito, laakiin gudahiisa uu magacaabis yahay, wuxuuna ka digayaa cawaaqib xumida ka dhalan karta doorasho la boobo ama lagu shubto oo ay ka mid tahay.

1- Colaad sokeeye sida haatan deriskeena iyo dalalka kale ee nala midka ah ka dhacday.

2- In shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkuba ay ka aamin baxaan natijada doorasho boob iyo ku shubasho ah.

3- In nidaamkii dawladnimada uu waayo sharciyadda iyo aqoonsiga shacabka, waxgaradka iyo siyaasiyiinta doonaysa dawladnimo sax ah.

4- In kooxaha xag jirka ah ka macaashaan aanada iyo tabashada ka dhalata boobka doorashada.

Haddaba Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Golaha Wadatashiga Qaran in ay dib uga fiirsadaan go’aannada ay qaateen. Wuxuuna Goluhu soo jeedinayaa in

1-135-kii oday dhaqameed ee loo aqoonsanaa hoggaanka dhaqanka beelaha Soomaaliyeed ay saldhig u noqdaan soo xulista ergooyinka dooranaya xildhibaannada Golaha Shacabka.

2- Maadaama uu Golaha Shacabka metelo beelaha, waa in odayaasha dhaqanka oo kaashaanaya nabadoonada iyo caaqilada jufada kursiga ku astaysan loo madaxbaneeyo xulista ergooyinka, kaalinta dawlad goboleedka ay ku ekaato fududaynta iyo amniga doorashooyinka.

3- In la suuliyo caqabadaha badan ee lagu gudbay doorashooyinka, gaar ahaan kuwa la xariira denbi baarista iyo qarashaadka lagu cusleeyey tartamayaasha iyo ergada.

4- In la waqtiyeeyo jadwalka doorashada oo laba jeer xiligeeda horay dib uga dhacday

5- In doorashadu ay ka dhacdo goob dhexdhexaad ah oo amnigeeda sugan yahay, Amniga goobta ay si wadajir ahu sugaan Booliska dawlad goboleedka, federaalka iyo AMISOM, iyagoo ilaalinaya nabadgelyada goobta, islamarkaana fursad galaangal oo siman u sinaya musharaxiinta
u tartamaya xilka xildhibaanimo.

6- In aan Xubnihii Baarlamaankii hore baaritaan laguma celi, halka tartamaha cusub ee xilka xildhiban looga joojin karo oo keli ah fal danbiyeed ay Maxkamad xukuntay, iyo in lagu hayo fal argagexiso oo cadayn leh.

7- Si loo kala saaro go’aanada siyaasada iyo hawlaha farsamo, waa in Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal loo madaxbaneeyo kaalinta farsamo ee hirgelinta doorashooyinka.

Goluhu wuxuu ku adkaysanayaa in doorashadu ay noqoto mid xor ah oo xalaal ah, taas oo ah dan qaran oo masiiri ah, kana gudubsan danta tartame kasta ee xilliga dhaw.
Ugu danbayn Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba inay kaalintooda ka qaataan sidii doorashadu ay ku noqon lahay mid xor ah oo sharciyad haysata.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON