Aqalka Sare ayaa maanta soo bandhigay 8 qodob oo maamul Goboleedyada dalka ka jira ay isku maandhaafeen dowladda Federaalka oo u baahan in wax laga qabto.
Guddiga Aqalka sare ee loo xil saaray khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ayaa shaaciyey 8-da Qodob oo afar ka mida ay ka mideysan yihiin Dowlad goboleedyada, 4 qodob oo kale oo maamul kasta si gaara u doonayo in dowladda Federaalka ay fuliso.
HOOS KA AKHRISO
Qodobadda ay ku mideysan yihiin Maamul Goboleedyada:
1. Dedejinta dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya
2. Dhismaha ciidamada Qaranka iyo Arrimaha sugidda amniga
3. Dhismaha Guddiga Garsoorka Qaranka iyo Dib u habeynta Hay’adaha Garsoorka.
4. Dib u heshiisiinta iyo Midnimada Qaranka.
5. Ka-heshiinta Qaabka Dooarashada dalka ee sanadka 2021-ka iyo habka dhismaha Xisbiyada.
6. Xoojinta Nidaamka Federaaleynta, siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaan.
7. Mideynta qorshaha Qaranka see qeybsig mashaariicda iyo dhaqaalaha, iyadoo dowladda dhexe ay yeelaneyso go’aaminta meelaha ku haboon
8. Faragelin la’aanta doorashooyinka Maamul Goboleedyada iyo kuwa dowladda Federaalka
Qodobadda u gaarka ah Maamul Goboleedyada
Puntland: Taageeridda ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Puntland, dhinacyada mushaarooyinka, tababarrada iyo agabka.
Jubbaland: Taageeridda ciidamada Daraawiishta Jubbaland, tayeytooda iyo kala howlgalka Amniga Jubbaland.
Koonfur Galbeed: Kala shaqeynta Amniga, gaar ahaan wadadda isku xirta Muqdisho-Baydhabo.
Galmudug: La-dhisidda ciidanka maamulka Galamudug iyo xoreynta degaannada ay Al-shabaab heystaan.
Guddiga Aqalka sare oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa xukuumadda Soomaaliya u soo-jeediyey inay fuliso qoddobada ay dalbadeen maamul Goboleedyada oo gaaraya 12 qodob.
Aqalka Sare oo ku dhawaaqay Go’aan ku saabsan khilaafkii dowladda & Maamul Goboleedyada