Monday, July 14, 2025

Akhriso: 17 sano jir fuliyey Weerarkii Xalane iyo Alshabaab oo shaacisay Beesha uu kasoo jeedo

Alshabaab ayaa mar kale shaacisay magaca iyo beesha uu ka soo jeedo ninkii labaad ee ka tirsan Alshabaab oo ka qeyb qaatay weerarkii Xerada Xalane ee 23-kii Maarso 2022 dhacay, kaasoo lagu laayey saraakiil ajnabi ah iyo ciidamo ka tirsan AMISOM

Warbaahinta Alshabaab ayaa baahisay dardaaranka laga duubay ninkii labaad ee ka qeyb qaatay weerarkii Marina Gate, iyadoo ay u suuragashay inuu gudaha u galo Xalane oo howlgal ka fuliyaan.

Ninkan ayaa magaciisa ku sheegay Cabdi Xasan Cabdulle Malaaq (Asad – Garaad), wuxuuna kasoo jeedaa Beesha Raxanweyn, gaar ahaan Jilible, isagoo ku dhashay deegaanka Ceelgaras ee duleedka degmada Tiyeglow, Gobolka Bakool.

Dagaalyahan Cabdi Xasan ayaa da’diisu lagu sheegay 17 sano jir, isagoo dhashay 2005, wuxuuna ka mid ahaa ciidamada sida Booliska u shaqeeya Xisbada Alshabaab ee Gobolka Hiiraan, ka hor intii aanu ku biirin guutada Is-miidaamiyeyaasha Alshabaab.

Ugu danbeyn wuxuu fuliyey weerarkii Xalane, halkaas oo lagu dilay, isaguna uu fuliyey howlgal ka mida kuwa ugu adag ee lagu galo xerooyinka waaweyn.

Wuxuu sheegay inuu go’aansaday inuu lafihiisa ku ciqaabo gaalada AMISOM, iskuna miidaamiyo, sida uu yiri, isagoo sidaasi u yeelaya inuu Alle ugu dhowaado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON