Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: 3 Qodob Baarlamaanka Federalka ka bedelay Qorshaha Amniga & Shaki hareeyay…

Guddiyada Baarlamaanka ayaa isbedel ku sameeyay Qorshaha Amniga Qaranka ee Soomaaliya la tegeyso shirka London.

Qorshahan oo la baxay “National Security Architecture” ayaa waxa hore u diyaariyay dowladaha Ingiriiska iyo Mareyanka, waxaana ansixiyay madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada.

Kadib mooshin laga keenay qorshahan iyo dood ka dhalatay doorka maamul goboleedyada ayay Guddiyada Baarlamaanka wax ka bedel ku samaeyeen saddex qodob oo muhiim ah, kuwaasoo kala ah:

1 – In tirada ciidamada xoogga ay ka bilaabaneyso 22-kun ee aysan ku koobneyn 18-kun ama 22-kun.

1 – In amarka, maamulka iyo dhismaha ciidamada Qaran ay leedahay dowladda Federaalka iyo wasaaradda Gaashaandhigga oo aanay doorweyn ku yeelan karin maamul goboleedyada.

3 – In Baarlamaanka Federaalka kaliya ansixin karo ama ogolaan karo qorshe kasta oo Qaran ee aanay ahayn maamul goboleedyada.

Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ballan qaaday in talo soo jeedinta guddiyada Baarlamaanka lagu dari doono qorshaha ammaanka, laakiin lama huba inay taasi dhici doonto.

Guddoomiyaha Guddiga qabanqaabada shirka London C/raxmaan Ceynte ayaa shaki ka muujiyay wax ka bedel lagu sameeyo Qorshaha shirka London, isagoo sheegay inaan la diidin tallooyinka Baarlamaanka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON