Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden ayaa la sheeciyay inuu tallaabooyin waaweyn oo degdeg qaadi doono isla marka uu la wareego xilka Madaxweynaha 20-ka Janaayo 2021.
Sida uu qoray Wargeyska Washingtion Post Madaxweyne Biden ayaa isla hadda magacaabaya Guddi ka kooban Khubaro oo diyaariya qorshe uu maamulkiisa cusub ku wajaho cudurka Coronavirus, kaasoo dhibaato weyn ku haya dalka Mareykanka, kuna fashilmay Trump inuu wax ka qabto.
Arrimaha ugu waaweyn ee Joe Biden ku dhaqaaqi doono isla marka uu xafiiska la wareego ayaa kala ah:
1- Maareynta Cudurka Covid-19
2- Laalista xayiraadii uu Trump kusoo rogay lix dal oo muslimiin ay tagaan Mareykanka
3- Dib ugu laabashada Heshiiska Paris ee Cimilada Adduunka
4- Dib ugu laabashada Mareykanka ee Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)
5- Ogolaanshaha caruurta sharci darrada ku gashay Mareykanka inay sii joogaan dalkaasi
Kooxda Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Jeo Biden la shaqeysa ayaa maray tijaabada amniga ee Hay’adda FBI, iyadoo isu diyaarinaya sidii ay xila ula wareegi lahaayeen 2 bilood kadib, waxaana Go’aanadan oo wareegtooyin ah uu saxiixi doonaa Biden isla maalinta uu xilka la wareego.

Dadka Soomaalida ayaa waxaa si weyn u saameeyay xayiraadda uu Trump kusoo rogay inay tagaan Mareykanka, siiba Qaxootiga u diyaarka ahaa in la dejiyo Mareykanka, waxayna arrintan war wanaasgan u tahay dad fara badan oo u xayirnaa go’aankii Trump.