Thursday, April 18, 2024

Madaxweyne Farmaajo iyo Abiy Ahmed oo ka mid noqday madaxda sida degdega hambalyada ugu dirtay Jeo Biden

Kadib markii uu soo baxay warka ku saabsan inuu Joe Biden ku guuleystay Doorashadii Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa si degdeg hambalyo ugu diray qaar ka mida madaxda Calaamka, halka qaar kalena ay ka gaabsadeen, iyagoo sugaya inta si rasmi ah loogu dhawaaqayo natiijada.

Ra’iisa lwasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa noqday mas’uulkii ugu horeeyay ee hambalyo u diray Joe Biden, waxaa ku xigsaday, Ra’iisul Wsaaraha Ingiriiska Boris Johnson. Maaxda dalalka Carabta waxaa ugu horeeyay Amiirka Qatar, Amiirka Kuwait iyo Suldaanka Cumaan, halka Ra’iisal wasaaraha Pakista iyo Madaxweynaha Faransiiska ay ka mid noqdeen madaxda sida degdega ah hambalyada xilli hore ugu diray Joe Biden.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa waqti isu dhow iyaguna hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden, wuxuuna mid kasta rajeeyay inuu sii xoogeysto xiriirka ka dhaxeeya dalalkooda iyo Mareykanka.

Ad

Madaxweynaha doorashada looga guuleystay ee Donald Trump ayaa diiday inuu aqbalo natiijada, wuxuuna dacwad ka furtay maxkamado dhowr ah, iyadoo madaxda hambalyada degdega ah u diray Joe Biden ay ahaayeen kuwii jeclaa in laga adkaado.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON