Sunday, July 13, 2025

AKHRISO: 5 Qodob oo Maxkamadda Rafcaanka kasoo saartay Dacwadii C/raxmaan C/shakuur

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir Go’aanno culus ka qaadatay kiiska dacwadeed ee xeer ilaalinta ku soo oogtay siyaasiga C/raxmmaan C/shakuur Warsame.

Go’aannada ay maxkamaddu soo saartay, fadhigeedii maanta waxay kala yihiin:

1- Inay burisay go’aankii uu Maxkamadda gobolka Banaadir ee dacwaddii loo haystay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ee ahayd inaan wax racfaan ah laga qaadan karin.

2- Inay buriay go’aankii maxkamadda G/Banaadir eeoo ahaa inaanu wax dambi ah lahayn Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

3- Waxaa Xeer ilaalinta Qaranka loo fasaxay baaritaanka ay ku hayso kiiskiisa C/raxmmaan C/shakuur.

4- Waxaa siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur laga mamnuucay inuu ka safro magaalada Muqdisho inta ay socdo baaritaanka dacwadda loo heysto.

5- Maxkamadda Rafcaanka  waxay Ganaaxday 8 Qareen oo diiday inay difaacaan siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Shan kamida waxa lagu xukumay in shaqada laga joojiyo muddo labo bilood ah, iyagoo bixinaya lacag shilin Soomaali ah oo u dhiganta $2000. Saddexda Qareen ee kale waxaa  lagu xukumay inay bixiyaan Ganaax lacageed oo shilin Soomaali ah oo u dhigma $2000.

Go’aanandan ayaa ka dhigan inay hadda uun bilaabtay dacwadii loo heystay C/raxmaan C/shakuur, waxaana la mari doonaa kiis dacwadeed aan la ogeyn halka uu ku danbeyn doono.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON