Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: 9 Shardi oo lagu xiray Musharixiinta u tartamaya Xilka Madaxweynaha K/Galbeed

Guddiga Doorashada Madaxweynaha ee Maamulka Koofur Galbeed ayaa soo saaray shuruudaha musharixiinta ka qeyb galaya doorashada maamulkaasi.

Guddiga ayaa 9 shardi ku xiray qofka isu sharxaya Xilka madaxweyne ee maamulka K/Galbeed oo intooda badan ah qodobadda caan ah oo ku xusan Dastuurka KMG ah ee Dowladda Federaalka, waxaana musharax kasta lagu xiray kharash dhan 20-kun oo doolar ragga, halka haweenkana laga rabo 10-kun Doolar.

HOOS KA AKHRISO SHURUUDAHA

1- Inuu yahay muwaadin Soomaali ah, una dhashay deegaannada Koofur Galbeed, oo aan qabin xaas ajnabi ah.

2- Inuu muslim yahay, kuna dhaqmo diinta islaamka.

3- in Da’diisu aysan ka yarayn 40 sano.

4- Inuu leeyahay aqoon iyo waayo aragnimo u qalanta xilkaas.

5- In Dhimirkiisu dhan yahay.

6- Inuusan gelin dambi culus oo ay maxkamadi xukuntay.

7- Inuusan heynin wax xil ah oo loo magacaabay

8- Bixinta curaar dhan $20,000 (ragga), $10,000 (dumarka).

9- Inuu u hogaansamayo habraaca guddiga qabanqaabada doorashada, iyo inuu ku qancayo natiijada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON