Tuesday, June 24, 2025

AKHRISO: Afartii Musharax ee loo ballan qaaday xilka Ra’iisal wasaaraha & Lama-filaankii Farmaajo..!

U GAARA GOOBJOOGE.COM

Magacaabidda xilka Ra’iisal jagada Wasaaraha cusub ee Soomaaliya ma ahayn oo kaliya degdeg ee waxay noqotay lama filaan aan loo fadhin marka loo eego xubnihii loo saadaalinayay in xilkaasi ay calfan doonaan.

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo wuxuu qaatay go’aan aan la fileyn isagoo ninka uu la shaqeyn doono ee Wasiirka koowaad u noqonaya u magacaabay Xasan Cali Kheyre, taasoo ka dhigan wadne xanuun ku dhacay rag isu heystay inay xilkaan ku soo bixi doonaan.

Ragga ugu cadcadaa ee weliba dhegta loogu sheegay inay fursad wanaagsan heystaan waxay ahaayeen afar nin oo dhammaantood isu sheegay inay Ra’iisal wasaare ka noqon doonaan dowladda Farmaajo.

AFARTAAS WAXAY U KALA DARAN YIHIIN SIDA AY U KALA HOREEYAAN:

C/naasir Cabdulle Maxamed:

Musharax cusub oo isu sharxay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2016

Wuxuu ahaa musharax u taagan xilka Madaxweynaha, waana Dhakhtar Mareykanka deganaa oo u diyaar garoobay siyaasadda Soomaaliya. Wuxuu ahaa ninka ugu horeeya ee xilka Ra’iisal wasaaraha loo saadaalinayay, isagoo weliba qaraabo la ahaa madaxweynaha. Diyaargarowgii ugu danbeeyay ayuu ku jiray, waxaana xitaa loo diyaariyay daraasiin dhar ah oo lebiskiisa la sii diyaariyay.

C/qaadir Cosoble Cali

Waa musharax kale oo madaxweyne oo qeyb ka ahaa ololihii lagu doortay Madaxweyne Farmaajo, isagoo dagaal adag la galay madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Kulankiisii ugu danbeeyay ee uu Madaxweyne Farmaajo la yeeshay wuxuu ahaa mid rajo geliyay, balse ballantu ahay in magacaabidiisu dhacdo kadib safarka Sacuudiga.

C/raxmaan Yuusuf Ceynte

Wasiirkii Qorsheynta, siyaasi da’ yar oo xushmad ku leh bulshada, isla markaana madax u ahaa qabanqaabiyaha caleemasaarkii Madaxweyne Farmaajo, wuxuu ahaa musharax kale oo xilkan loo saadaalinayay. Kulankii dhex maray Madaxweyne Farmaajo saacado ka hor magacaabidda ra’iisal wasaaraha waxaa looga mahadceliyay shaqadii adkeyd ee uu ka qabtay caleemosaarka, waxaana hoos loogu sheegay rajo fiican, taasoo aan dhicin.

Axmed Macalin Fiqi

Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi, waa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, isla markaana ka mida kooxda Aala-sheekh iyo Xisbiga Daljir, wuxuu suuqa gashaday inuu yahay R’iisal wasaaraha cusub ee Soomaaliya iyo inuu isagu ka dambeeyay doorashadii Farmaajo. Arrintan oo xildhibaano badan ka yaabisay ayaa keentay in waqcadii ugu weyneyd ay ku dhacdo isagoo xitaa ka war helin go’aanka Madaxweynaha.

WARBIXINADDA GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON