Kulan looga hadlayo furitaanka kalfadhiga labaad ee Baarlamaanka Federaalka iyo ajendayaasha horyaalla ayaa lagu qabtay xarunta guddoonka ee Villa Hargeysa.
Shirka waxaa guddoomiyay Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) , waxana goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka iyo guddoomiyeyaasha guddiyada Golaha Shacabka.
Kalfadhiga oo lagu wado inuu Sabtida furmo aya waxaa horyaalla ajendayaal fara badan oo ay ka mid yihiin:
1- Miisaaniyadda Dowladda
2 – Hindise Sharciyeedyo oo xukuumaddu soo gudbisay.
3- Mooshinkii Saldhigga Imaaraadka ee Berbera (jawaab laga sugayo Ra’iisal wasaaraha iyo madaxweynaha)
4- Mooshin lagu wado in laga diyaariyo xukuumadda oo inta uu socdo kalfadhiga la filayo
5 – Dib u eegis sharciyo hore loo ansixiyay iyo ajendayaal kale.
Xoghayaha Guud ee Baarlamaanka Soomaaliya C/kariin Buux ayaa sheegay in Guddoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ay u diyaar garoobeen Furitaanka Kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka, iyadoo xafladda furitaanka si toos ah Warbaahinta looga baahin doono.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu si rasmi ah u furo Kalfadhiyada Baarlamaanka.
Goobjooge