Warbaahinta kooxda Alshabaab ayaa baahisay magacyada saraakiil ay sheegtay in lagu dilay weerarkii is-midaamminta ahaa ee lagu qaaday saldhiga ciidamada Milateriga ee warshadda Nacnaca degmada Wadajir.
Alshabaab ayaa sheegtay in 25 sarkaal iyo ciidamo ay ku dileen weerarka oo uu fuliyay qof is miidaamiyay, waxayna magacyadooda ku sheegeen sida soo socota:
1- Gaashaanle Sare Badri Sheekh Aadan, Madaxii tababarada ee Xerada.
2- Korneel Cabdi Yare, Sarkaal ka tirsan ciidanka Military-ga
3- Gaashaanle Sare Abuukar Dheere, Sarkaal ka mid ahaa ciidanka Military-ga
4- Korneel Macalin Cabdi Kariim, Tababare Ciidan.
5- Xasan Gacmo Dheere, Gaashaanle dhexe oo ka tirsan ciidanka Military-ga.
6- Gaashaanle Dhexe Macalin Cumar, Tababare Ciidan
7- Korneel Dhiblaawe oo ka tirsan ciidanka Military-ga.
8- Gaashaanle Sare Carab oo ka tirsan Military-ga.
9- Sarkaal Magaciisa lagu soo koobay Qaam-Raam.
10- Korneel Dimuquraadi oo ka tirsan ciidanka Military-ga. (Waa Dhaawac)
11- Xuseen Yare Kabtan ciidan.
12- Laba xidigle Cabdi Xakiim
13- Laba Xidigle Axmed Nuur
14- Laba Xidigle Aaryo.