Tuesday, July 15, 2025

AKHRISO: Beelaha ku tartamaya Kuraasta Aqalka hoose ee Somaliland oo Jimcaha ka dhaceysa Muqdisho

Doorashad xubnaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Federaalka, kana soo jeeda Somaliland ayaa la shaaciyay inay  beri oo Jimce dib uga bilaaban doonto magaalada Muqdisho.

Guddiga Doorashada ee qaabilsan Somaliland ayaa ku wargeliyay dhamaan musharaxiinta kuraasta soo socota inay is diiwaan geliyaan.

Kuraasta beelaha ee lagu tartamayo waxay kala yihiin:

  1. Beelaha Arab (Abaddala arab, Abadalla Muuse iyo Maxamed Fanax) waxaa ay dooran doonaan hal (1) kursi
  1. Beesha Cidagale (Dhamal Adan iyo Abokar Muuse) waxa ay ku tartami doonaan laba (2) kursi
  1. Beesha Habar Jeclo (Muuse Abokar) waxaa ay ku tartami doonaan labo (2) kursi
  1. Beesha Habar Yonis (Cabdalla Ismaaciil) waxaa ay ku tartami doonaan hal (1) kursi
  1. Beesha Habar Yonis ( Ali Saciid iyo Isxaaq) waxaa ay ku tartami doonaan laba (2) kursi
  1. Beesha Samaroon (Makaahiil) waxaa ay ku tartami doonaan seddex (3) kursi

Doorashada Aqalka hoose ee Somaliland ayaa ka bilaabatay Muqdisho, waxaana la sheegay in la dedejin doono inta harsan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON