Diyaaradii Ukraine International Airlines ee Arbacadii ku dhacday magaalada Tehran ee dalka Iiraan, kadib markii ay ka duushay Garoonka Imaam Khomeini ayaa waxaa ku dhintay dhammaan shaqaaligii iyo rakaabkii diyaaradda oo gaareyay 176 qof.
Buburka diyaaradda oo noocedu aha Boieng 737-800 oo ah lahayd Shirkadda Ukraine International Airways ayaa markii hore la sheegay inay sababtay cilad farsamo, laakiin sirdoonka iyo hay’adaha reer galbeedka aya laga soo xigtay inay u badan tahay diyaaradaasi in si khalad ah ay cidamada Iiraan Gantaal ugu soo rideen.
Tirada dadka ku dhintay iyo dalalka ay kasoo jeedaan ayaa kala ah:
82 = Iran
63 = Canada
11 = Ukraine
10 = Swedens
4 = Afghanistan
3 = Germany
3 = British
Ra’iisal wasaaraha Canada oo tiro badan oo dadkiisa ka mida ay ku dhinteen diyaaradda ayaa sheegay in diyaaradda Ukraine lala helay Gantaal sida ay ku heleen warar sirdoon, isagoo dalbaday in baaritaan weyn lagu sameeyo shilkan.
Sidoo kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa muujiyey shakiga laga qabo in si khalad ah diyaaradda Ukraine loo soo diray oo dhibaatadda naxdinta leh uu qof sababay, waxaana hay’adaha Mareykanka iyo Yurub ay isku raacsan yihiin arrinta ah in diyaaradda lasoo riday.
Iiraan oo markii hore ka cago jiiday inay dhiibto sanduuqa Madow ee keydiya xogta diyaaradaha ayaa ogolaatay in dalkeeda lagu baaro, waxayna aqbashay in baaritaan caalami ah lagu sameeyo diyaaradda dhacday, lakiin waxay isk fogeysay in diyaaradda ay iyadu so riday.