AKHRISO: Dalalka Muslimka ee maanta laga Sooman yahay & Degaano ka mida Somalia oo aan laga Ciidin

Iyadoo dalal badan oo dunida muslimka ka mida ay maanta u dabaal degayaan maalinta koowaad ee Ciidul fitriga ayaa dalal kale ay ku jiraan Ramadaan, waxaana sidoo kale aan maanta laga ciidin degaano ka mida Gobolka Galgaduud.

Dalalka Pakistan, Indonesia, Maleysia, Masar, Syria, Tunis, Jordan Falastiin, Sudan, Japan, Australia waxay sheegeen inaysan arkin Bishii Ramadaan oo ay maanta oo Talaado ah dhammeystirayaan 30-ka Ramadaan, iyadoo maalinta ciidul Fitriga ay ku beegan tahay Arbacadda 5-ta June 2019.

Waxaa maanta ku dhawaaqay inay Ciid tahay dalalka Sacuudiga, Imraaradka, Baxreyn, Qatar, Kuwait, Turkiga, Somalia, Ymena iyo Sunada Ciraaq, waxaana la sheegay in bisha laga arkay Sacuudiga iyo dalal kale, iyadoo maanta oo ku beegan 4-ta June si weyn looga ciidayo dalalkaasi.

Ad

Waxaa jira dalal ay maanta u tahay 29-ka Ramadaan oo kala ah: Maroco iyo Cumaan oo caawa iyaguna ay raadin doonaan bisha, haddii la waayena ay maalin kale ku dari doonaan, balse haddii la arko ay ciid ku dhawaaqi doonaan.

Magaalada Dhuusamareeb iyo degaanka Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa oo ay ka taliyaan culimada Ahlu suna ee ku biiray maamulka Galmudug ayaan maanta laga ciidin, waxaana la filaya in berri u bilaabto ciidul fitriga sida caadadda u ahayd Ahlu suna.

Saanadka kasta marka ay curado Bisha Ramadaan ayaa deegaanada Galmudug oo ay maamulaan Ahlusunna waxaa ay hal maalin ka dambeeyaan Gobolada kale ee Soomaaliya, waxayna isku waqti noqdaan Iiraan iyo Shiicada Ciraaq.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

124,513FansLike
971FollowersFollow
3,124FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!