Dalalka dunida ayaa ku kala duwan saacadaha maalinta iyo habeenka, iyadoo dalalka Yurub ay ka mid yihiin dalalka maalintii ay ugu dheer tahay dunida oo meelaha qaarkood marka Ramadaanku so galo ay soomaan 20 saacadood iyo wax ka badan.
Bisha Ramadaan ee Sanadkan 2019 / 1440 Hijriyada kama duwana sanadihii hore, waxaana meelaha ugu maalinta dheer ka mida Gobol ka mida Ruushka iyo dalalka Yurub ee loo yaqaan Nordic oo ramadaankan dadka ku nool ee muslimiinta ah ay soomayaan 18 saacadood
Hoos ka akhriso dalalka dunida sida ay ugu kala horeeyaan saacadaha la soomayo. waxaa ugu badan magaalada Murmansk ee Ruushka oo maalintii ay tahay 20 saac iyo 45 daqiiqo, waxaana ugu yar magaalada UShaia ee dalka Argentina oo maalintu tahay 11 saac oo kaliya.
