Thursday, June 26, 2025

AKHRISO: Dowladda Mareykanka & Somaliya oo War ka soo saaray Weerarkii Duqeynta Alshabaab

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa warar is barbar socda kasoo kala saaray duqeyn maanta lagu qaaday duleedka Muqdisho oo lagu bartilmaameedsaday sarkaal ka tirsan Alshabaab.

War saxaafadeed caawa kasoo baxay Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa lagu sheegay in maanta oo ah 10-ka August ciidamada Mareykanka howlgal weerar duqeyn ah ku qaadeen duleedka Muqdisho.

Warka ayaa intaas ku daray in la qiimeynayo natiijada kasoo baxday duqeynta, dibna laga shaacin doono, waxaana taliska ciidamada Mareykanka ee Africom uu sheegay inaan la shaacin doonin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan ciidamada weerarka qaaday si loo hubiyo ammaankooda.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA AFRICOM

Madaxweyne Farmajo oo amray howgal qorsheysan oo lagu dilay horjooge Al-Shabaab ka tirsan
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.

Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.

DHAMAAD

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON