Baarlamaanka Dawlad deegaanka Soomaalida ayaa maanta ansixiyey go’aanno waaweyn iyo isbedello uu soo jeediyey madaxweynaha cusub, Mustafe Muxumad Cumar (Cagjar).
Baarlamaanka oo kulan aan caadi ahayn maanta ku yeeshay yeeshay magaalada Jigjiga ayaa doorteen guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka DDS , iyadoo loo doortay Cabdi Maxamed Aadan (Ugaas), waxaa sidoo kale la doortay Cabdullaahi Siciid Cumar ayaa isna noqday guddoomiyaha maxkamadda Guud ee dowlad degaankaasi.
Sidoo kale waxay Xubnaha baarlamaanka Dowlad degaanka Soomaalida isku raaceen in magaca dawlad deegaanka uu noqdo Dawlad-deegaanka Soomaalida, lagana saaro Itoobiya.
Waxay kaloo isku raaceen calanka dawlad-deegaanka oo noqonaya mid xagga dambe ku leh xiddigta cad ee shanta gees leh ee ku dhex jirta midabka buluugga ah. Calankan ayaa ahaa kii laga isticmaali jiray dawlad deegaanka, waxaase beddelay madaxweynihii hore, Cabdi Maxamuud Cumar.
Sidoo kale waxaa magaca Itoobiya laga reebay xisbiga maamula dawlad deegaanka oo hadda ka dib loogu yeeri doono Xisbiga Dimoqaraadiga Shacabka Soomaalida.