Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa ugu danbeyn laalay 11 kursi oo ka mida aqalka hoose, kuwaasoo lagu soo doortay 4 magaalo Goboleed.
Maamulka K/Galbeed ayaa ugu badan oo 5 xildhibaan la laalay kuraastii ay ku guuleyteen, waxaana ku xiga Puntland iyo Hirshabeelle oo min laba kursi ah iyo Galmudug oo hal kursi laga laalay.
11 Kursi ee natiijadooda la laalay waxay kala yihiin sidan:
1. Maxamed Cabdullaahi Cabdullaahi Nuux (Jidle/Hirshabelle)
2. C/laahi Maxamed Aadan ( Gaaljecel/Jubaland).
3. Cabdi Maxamuud Axmed (Majeerteen/Ugaar Saleeban/ Puntland).
4. Sharmarke Garaad Saleebaan (Dhulbahante/Puntland).
5. Cabdicasiis Saalax Carmaan (Carab Soomaali/HirShabelle).
6. Maxamed Abtidoon (Gaabane/Saleebaan/Galmudug).
7. Sheekh Shaacir Sheekh Maxamed (Macalin Weyne/ D&M/ Koonfur Galbeed).
8. Samra Ibraahim Cumar (Geelidle (D&M/K/Galbeed)
9. Muna Khaliif Sheekh (Tuni/Daaqtire/D&M/K/Galbeed).
10. Maxamed Saciid Cabdullaahi ( Begedi/D&M/K/Galbeed)
11. Nadiifa Aadan Isaaq ( Shanta Caleen/D&M/K/Galbeed).
AKHRISO QORAALKA GUDDIGA
Goobjooge.com