Thursday, July 31, 2025

AKHRISO: Guddoonka cusub ee loo doortay Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Somalia [Sawirro]

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa galabta ka dhacday doorashada guddoonka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamuud Siraaji ayaa loo doortay guddoomiyaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Xildhibaan Aamino Sheekh Cusmaan ayaa loo doortay guddoomiye ku xigeenka guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka.

Xildhibaan Aadan Cali Xasan ayaa loo doortay Xoghayaha guddiga maaliyada, miisaaniyadda iyo qorsheynta ee Golaha Shacabka. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa guddoonka cusub ee guddiga kula dardaarmay iney si deg deg ah u qabtaan howlaha culus ee horyaalla.

Sidoo kale waxa uu sheegay in guddoonka Golaha Shacabka uu diyaar u yahay iney guddiga kala shaqeeyaan dardar gelinta howlaha culus iyo sidii loogu qaban lahaa waqtiga haray shaqooyinka horyaalla.

Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad, Habdhowraha Golaha Shacabka mudane Maxamed C/llaahi Xasan (Nuux) iyo Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka mudane C/kariin Xaaji Cabdi (Buux).

Image may contain: 1 person, suit

Image may contain: 1 person, smiling

Image may contain: 1 person, closeup

Image may contain: 3 people, people sitting and indoor

Image may contain: 7 people, people sitting, table and indoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON