Wednesday, June 25, 2025

AKHRISO: Heshiiskii ugu muhiimsanaa ee ay kala saxiixdeen Wasaaradda Beeraha Somalia & Turkiga

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu saxiixay heshiis Mashaaruuc  horumarineed oo ku saabsan soo nooleynta biyo xireenada Webiga Shabeelle.

Heshiiska waxaa kala  saxiixday Wasaaradda Beeraha Dowladda Federaalka iyo Hay’adda  Horumarinta dalka Turkiga ee TiKA, waxaana dib loogu dayac tirayaa biya-xireenada Webiga Shabeelle, sida Saabuuni iyo Keydka  Biyaha Xawaadleey, waxaana saxiixa heshiiska goobjoog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Mahdi Maxamed Guleed & Safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya  Saciid Xuseen Ciid ayaa  sheegay in mashruucaan faa’iido weyn u yeelan doono Beeraleyda, isagoo biyo ku filan siin doona dhul ku dhow boqol kun oo Hectar.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in mashruucan uu wax ka tari doono Fatahaada uu sameeyo Wabiga oo dhibaato geystay Dhul Beereed iyo sidoo kale deegaano badan oo dad degan yihiin.

Dhinaca kale Xiriiriyaha Hay’adda TIKA Galib Yilmaz ayaa sheegay in mashaariicdan horumarineed  ay  ka shaqeyn doonann sidii wax looga qaban lahaa biyaha xireenka Wabiga Shabeele iyo keydka biyaha

Safiirka dalka Turkiga  Soomaaliya  olgan Baker  oo munaasbada ka hadlay ayaa waxuu tilmaayay in ay dowladda Turkiga ay  go’an tahay gacansiinta shacabka Somaaliyeed iyo Dowladda. Wuxuuna carabka ku adkeeyay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mr. Olgan Bakar iney rajeynayaan in sanad gudihiisa mashruucani ku soo dhamaado.

Ra’iisal Wasaare ku_xigeenka dalka ahna ku_simaha  Ra”iisul Wasaare Mudane Mahdi Maxamed Guuled (khaddar).  Wuxuu sheegay hadii uu hirgalo mashruucaan in 10 qodob oo muhiim ah dalka in uu wax ka qaban doona.

Wuxuu Sheegay ku simaha Ra’iisal wasaaraha ahna Ra’iisal wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), in ugu yaraan 10-sheey oo 8-ka mid ah uu xusi doono laga faa’idi doono Biyo Xireenkaa Saabuuni iyo Keydka Biyaha Xawaadley.

  1. In Wax soo saarka dalka Kordho lana yareeyo Cunada yarida iyo Gaajada.
  2.  Helitaanka Biyo joogta ah Waraab ha noqoto ama Xoolaha oo ka faa’idaya ha noqoto.
  3.  in la maareeyo Fatahaada Wabiga marka uu soo jabo baabi’inaya Beerihii dalagii,gurihii u gudbaya baa’i’inaya isku socodkii kala xiraya,taa iyana wax badan ayay ka tareysaa.
  4. dhaqaalihii baa korayaa marka ay beeraha soo go’aan, shaqaa abuuranta ee wax soo saarkii kordho.
  5. Dhoofkii baa iyana oo wax soo saarka aanu soo saarno suuqooda inuu furaan kala hadalnay ayay wax badan ka tareysaa.

Heshiiskan ayaa wuxuu qeyb ka noqonayaa  heshiisyo noocan oo kale ah oo Wasaaradda Beeraha dalka ay hore ula soo  gashay dalal dhowr ah oo ay ka mid yahiin Masar, Suudan iyo Turkiga wuxuuna dhamaantood ay qeexayaan sidii  loo horumarin lahaa Beerlayada Somaaliyeed iyo kobcinta  wax soo saarka dalkeeena.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON