Dowlada Somalia Qoraal jawaab u dirtay Wasaaradad Arrimaha dibadda Kenya oo qoraakii ay soo saartay 21-ka Febraayo 2019 ku dalbaday in Somalia ay jawaab ka bixiso xadgudubka ay ku sameysay Xuduudkeeda Badda. [Akhriso Qoraalka Kenya]
Jawaabta Wasaaradda Arrimaha dibadda Somalia oo ku taariikheysan 25 Febraayo ayaa lagu sheegay qoraalka saxaafadeed ee Wasiirada Arrimaha dibaadda Kenya uu ahaa mid xaqiiqada ka fog oo si khaldan faham khaldan ku dhisan, waxaana lagu beeniyey in Somalia ay bixisay ama bixineyso heshiisyo shidaal oo quseeya xuduud badeedka la isku hayo.
Qoraalka dowladda Somalia ee jawaabta ahaa waxay si cad uga hor timid faalladii ay bixisay wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, waxaana dowladda Kenya loogu baaqay inay ka waantowdo tallaabooyin u gaara ah oo ay qaadato inta aanu soo bixin go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka ee ICJ.
Baahinta Jawaabta dowladda Somalia ayaa lagu soo beegay , iyadoo madaxweyne Farmaajo uu caawa gaaray magaalada Nairobi iyadoo uu la socdo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana socda waanwaan labada dal laga dhex wado.
HOOS KA AKHRISO QORAALKA

