Monday, June 23, 2025

Akhriso: Khudbadii yaabka lahayd ee Musharax Tarsan u jeediyay xildhibaanada Baarlamaanka

Musharaxa xilka madaxweynaha Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa khudbad kulul u jeediyay labada Aqal ee Baarlamaanka.

Wuxuu cambaareeyay xildhibaanada oo ka tegay xarunta Barlamaanka oo uu sheegay inuu faaruq ahaa. “Baarlamaanka waxaan u jeedaa inuu faaruq yahay, qaarbaaba maqan, waa nasiibdaro, taasi waxay la micno tahay inay go’aan bay gaareen cidda ay codka siin lahaayeen, waxay ahayd inay joogaan oo musharixinita iyo khudbadaha wada dhegaystaan, waa nasiibdarro inuu hadda kooramka buuxin..” ayuu ju halgaaday xildhibaada Baarlamaanka.

“Waxaan rajeynahayaa maanta umada Soomaaliyeed inay indhaha idinku soo heyso, waxaan rajeynayaa inaadan wax ku dooran qabiil ama qof dowladd wadato, umada Soomaaliyeed rajo weyn ayey ka qabtaa inaad maanta u doorataan kii ummada Soomaaliyeed ugu fiicnaa, ugu caadaaladsanaa ee dadka xoolahooda iska ilaalinayay” ayuu yiri Musharax Tarsan.

Ad

Wuxuu sheegay inu yahay qof aragti dheer leh oo wax curiya, wixii aan curriyana uu ka mirro dhaliyo. “Markii aan ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaan curriyay dhowr fekrad, waxaa ogtihiin qoraxdan weligeed waa jirtay, waxaan ahay ninkii ugu horeeyay oo keena in qoraxda nal laga dhigto, qofkii igu qabsanaya ha sheego hadda, Norway ayaan ka keenay maanta waa aragtiin gobol kasta ayeey ka hirgashay fekrad aan curiyay” ayuu ku faanay Mudane Tarsan.

Wuxuu weerar ku qaaday madaxweyne Xasan Sheekh isagoo sheegay inuu amray dabdamis yaala Muqdisho in la geeyo Jowhar oo dab qabsaday, isagoo garan waayay ayuu yiri inuu kuwo kale u dalbo, taasoo uu ku tilmaamay aragti gaabni.

Wuxuu sheegay inuu aamin yahay aan faragelin hantid umadda isagoo talada u soo qaatay xilligii uu gobolka Banaadir madaxda ka ahaa: “Markii aan Gobolka imid khasnada iyadoo maran xilka qabtay, mana jirin shaqaale, markaan ka tegaayay xilka, waxaan wareejiyay $400,000 Dollar, lacagtaas waan qaadan karay, waan u baahnaa, Guri ma dhisan, waxba kale kuma sameysan, waxaan kaloo wareejiyay 200 Billion oo shilin Soomaali ah, Qalab iyo mishiino culus, waxaasi oo dhan waxay ka mid ahayd amaanada qofka masuulka ah lagu rabo..”

- Advertisement -

Musharax tarsan wuxuu duray madaxweynayaasha ka soo jeeda beelaha waaweyn isagoo sheegay inay ku mashquulayaan xil u raadinta dadkooda. Wuxuu sheegay inuu dhisi doono Cadaaladda, waxaan siineynaa dhaqaale ku filan garsoorayaasha dadka cadaaladda haya.

Amni darrada ayuu sheegay inay keentay laaluushka iyo musuqmaasuqa, isagoo sheegay inuu la dagaalamayo musuq maasuqa sida loola dagaalamayo Alshabaab. “Inta aan Argagixisada la diririn waxaa la diriri doonaa musuqmaasuqa, wadan aan amni ahayn horumar lagama sameyn karo, amni darradana waxaa sal u ah musuqmaasuqa” ayuuna yiri.

“Waxaan dhiseynaa ciidan 20,000  oo askari oo askarigii qaadayano lacagtiisa taliyayashana qadanayaan lacag fiican, … labada sano ee ugu soo horeysa waxaa diyaarinayna ciidamadii bedeli lahaa AMISOM, amniga waxaa la wareegaya ciidamada amniga Qaranka Soomaaliyeed… Kursiga saacada aan ku fariisto askari kasta afar joog oo dhar ah ayaan siinaynaa” Musharax Tarsan.

“Mudanayaal haddii aa dooneysan qof amniga, xaalada dalka, tahriibta wax ka qabta waxaa dooranaysaan Tarsan, hadaa doonaysaan qof cadaalad wax ku dhisa, waxbarasho iyo caafimaad soo celiya waa Tarsan ee i doorta, hadaad dooneysaan qof taakuleeya agoonta iyo danyarta waa Tarsan ee i doorta.., Culimadu waxay tiri haddii lacagta la idin siiyo qaata laakiin qofka fiican dadka u doorta, lacagta qaata oo waa lacagtiiniiye laakiin codkiina dalka ugu taageera markaasi waxaa idinku filan denbi dhaaf saddex maalin oo aad soontaan, lacagta qaata laakiin codka qofka ugu wanaagsan dalka siiya, aniga lacag idin siin maayo laakiin wax ka fiican baan idiin hayaa waxtar iyo aragti dheer, hadda waxaan rajeynayaa inaad dadka kan koowaad iga dhigeysaan..”

- Advertisement -

Waxay ahaayeen ereyadii ugu danbeeyay oo si weyn loogu sacaba tumay isla markaana qosol ka keenay xildhibaanada goobta ku sugnaa.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON