Shirka magaalada Muqdisho uga socda Madaxda dowladda Federaalka iyo maamul Goboleedyada dalka ayaa galay maalintii labaad, iyadoo arrimo xasaasi ah ay isku hayaan labada dhinac.
Shirka oo uu hareeyay weerarkii Alshabaab ku qaadeen hotelka Naasahablood ayaa la sheegay in maanta la guda geli doono qodobka ugu weyn ee xiriirka maamul Goboleedyada iyo dowladda, kaasoo salka ku haya faragelinta dowladda Imaaraadka Carabta iyo mowqifka ay madaxda maamul Goboleedyada ka qaateen xiisadda Khaliijka.
Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa xaliyay muran ka taagnaa ajendayaasha shirka oo ay isku heysteen guddiyada labada dhinac, isagoo u sheegay in wax kasta oo jira ama la kala tabanayo looga hadli doono shirka.
Dowladda Federaalka ayaa dooneysa in xoogga la saaro la-dagaalanka Alshabaab iyo dagaal wadajir ah oo lagu qaado degaanada uu ka taliyo, halka madaxda maamul goboleedyada arrinta ugu weyn ee ay daneynayaan ay tahay in dowladda u fasaxdo lacagaha ay ka xayirtay maamuladda, isla markaana la qeybsado kaalmo dhaqaale oo laga helay Sacuudiga.
Goobjooge