Madaxweynaha cusub ee mar labaad xilka loo doortay Xasan Sheekh Maxamuud ayaa muddo todobaad ah xafiiska ku sugan, isagoo madaxweynihii hore Maxamed C/llaahi xilka kala wareegay 23-kii bishan May 2022.
Xasan Sheekh ayaa sameeyay magacaabis u badan shaqaalaha iyo madaxda Madaxtooyada ee sida gaarka ah xafiiskiisa kala shaqeyn doona, waxaana si rasmi ah loo magacaabay mas’uuliyiin ku dhow 10 xubnood, halka magacaabista aan rasmig ahayn ay kasii badan tahay.
Liiska mas’uuliyiinta uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh muddo Isbuuc ah ayaa kala ah;
1- Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya: Xuseen Sheekh Maxamuud
2- Agaasime ku xigeenka Madaxtooyada: Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan
3- La-taliyaha Amniga Qaranka: Xuseen Macallin Maxamuud Sheekh-Cali
4- Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Soomaaliya: Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame
5- La-taliyaha Sharciga Madaxweynaha J.F.S: Ibraahim Eidle Sulayman
6- La-taliyaha Siyaasadda iyo Xiriirka Baarlaamaanka Madaxweynaha J.F.S: Zakaria Hassan Ali (Gaashaan)
7- La-taliyaha Dhaqaalaha Madaweynaha J.F.S: Hassan Adam Hosow
Ka sokow 7-da mas’uul ee sida rasmiga ah loo shaaciyey magacaabidooda, waxaan weli wareegto madaxweyne kusoo bixin ama aan la shaacin mas’uuliyiin ay ka mid yihein:
8- Agaasimaha Hay’adda NISA: Maxamed Maxamed Salaad
9- Afhayeenka Madaxtooyada Somaaliya: C/kariin Cali Kaar
Iyo ilaa afar xubnood oo kale oo loo magacaabay agaasimeyaal ka mida Madaxtooyada Soomaaliya, waxaana dad badan ay dood ka keeneen in xubnahana la magacaabay inaysan ku kooban yihiin awood qeybsi ahaan beesha uu kasoo jeedo Madaxweynaha iyo Hal beel oo kale, iyadoo ugu yaraan 2 Beelood aanay weli wax xil ah ka helin mas’uuliyiinta la magacaabay.
Magacaabidda ugu weyn ee Xasan Sheekh laga sugayo ayaa ah xilka Ra’iisal wasaaraha oo ka imaan doona Beesha Daarood, kaasoo awood qeybsi ahaan ay u leedahay Beesha ugu weyn ee hadda ka cabaneysa in xilalka Madaxtooyada aan waxba laga siin ee lagu koobay inta badan Beesha Madaxweynaha.
