Inta uu xilka la wareegay Madaxweyne Maxamed Farmaajo waxaa Xilalka ama iska Casilay ama laga eryay mas’uuliyin isugu jira Wasiirro, Taliyeyaal Ciidan, Agaasime iyo Guddoomiye Gobol oo u badnaa shaqsiyaad caan ah.
Xubnaha laeEryay ama is casilay waxaa ka mida: 6 Wasiir oo ay ka mid tahay wasiiradii Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka oo aad ugu dhoweyd madaxweyne Farmaajo, waxaana ilaa iminka la buuxin jagooyinka saddex wasiir, laba taliye iyo xilal kale.
HOOS KA AKHRISO LIISKA XUBNAHA IS CASILAY AMA LA EREYAY DOWLADDA FARMAAJO
1- Wasiirkii Arimaha Dibada – Yuusuf Garaad Cumar Axmed
2- Wasiirkii Arimaha Gudaha – Cabdi Faarax Siciid Juxa
3- Wasiirkii Gaashaandhiga – Cabdirashiid Cabdillahi Maxamad
4- Wasiirkii Ganacsiga iyo Warshadaha- Khadra Axmed Ducaale
5- Wasiirkii Arrimaha Gargaarka – Maryam Qaasim Axmed
6- Wasiirkii Arimaha Diinta & Awqaafta – Iimaan Cabdillahi Cali
7 – Gudoommiyaha G/Banaadir – Thaabit Cabdi Maxamad
8- Taliyihii Xooga Dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamad Axmed Jimcaale (Cirfiid)
9 – Taliyihii Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdixakim Daahir Siciid (Saacid)
10- Taliyihii Nabadsugidda iyo Sidoonka Cabdillahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe)
11- Agaasimihii Madaxtooyada Villa – Somalia Abuukar Baale
12- La-taliyihii Amniga Qaranka – Xuseen Macalim Maxamuud