Xafladda caleemasaaraka madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maalinte beri ah ee Arbacadda ka dhacdo magaalada Muqdisho.
Diyaargarowgii ugu danbeeyay ee qabanqaabada xafladda ayaa galaya saacadihii ugu danbeeyay, waxaana la sheegay inay kasoo qeyb geli doonaan madax sare oo Geeska Afrika iyo Aasiya kasocota.
Xogta laga helayo guddiga qabanqaabada caleemasaarka madaxweynaha ayaa sheegay in madaxda la filayo inay xafladda kasoo qeyb galaan ay kala yihiin:
Madaxweynayaasha dalalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Kenya Uhuru Kenyatta, waxaa kaloo la filayaa inay kasoo qeyb galaan wasiirada arrimaha dibadda dalalka Itoobiya iyo Kuweyt.
Turkiga ayaa la sheegay inuu meteli doono wafdi ka imaanaya dalkaasi oo aan weli la shaacin heerkiisa, halka Midowga Afrika, IGAD iyo Midowga Yurub ay u meteli doonaan madax sare oo ka tirsan ururadaasi.
Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa ka baaqsaday xafladda caleemasaarka madaxweyne Farmaajo, isagoo hore uga qeyb galay caleemasaarkii madaxweynihii hore ee Xasan Sheekh. Waxaa kaloo shaki ku jiraa madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni oo ka mid ahaa madaxda Muqdisho timid dhowr jeer.
Madaxweynaha Kenya oo si lama filaan ah uga baaqsaday caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo [Sabab]
Goobjooge.com