Sunday, July 13, 2025

AKHRISO: Madaxweyne Farmaajo oo Odayaasha & Culimada Caabudwaaq gaarsiiyay farriin Culus [Akhriso]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulamo wadatashi ah kula qaatay magaalada Caabudwaaq culumada iyo odayaasha dhaqanka ayaa ugu baaqay in ay dardargeliyaan kaalinta ay ku leeyihiin nabadeynta iyo dib u heshiisiinta bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ay asaas u yihiin arrimaha dib u heshiisiinta, kaalin muhiim ahna ay ka soo qaateen samatabixinta dalka, balse haatan looga fadhiyo dhameystirka dadaallaadaas iyo sidii ay u horseedi lahaayeen xaqiijinta bulsho mideysan oo u jiheysan dhanka horumarka iyo wax wada qabsiga.

Kaddib is xog wareeysi ku saabsan caqabadaha la xiriira dib u heshiisiinta magaalada Caabudwaaq iyo talooyin ay soo jeediyeen waxgaradka uu la kulmay Madaxweynuhu, waxa ay isla garteen sidii loo yagleeli lahaa guddi ka shaqeeya nabadeynta iyo wadashaqeynta odayaasha dhaqanka magaalada Caabudwaaq iyo deegannada hoos yimaada.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo oo kulan gaar ah la qaatay culimada ayaa bogaadiyey kaalinta ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada deegaanka, isagaoona ku ammaanay sida ay ugu taaganyihiin joojinta coolaadaha iyo khilaafaadka hareeyay nolasha iyo horumarka bulshada.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan idiin wadnaa fursad aad ka faa’iideysan kartaan. fursaddaasi waxa ay tahay inaan idiin keenno adeegyadii ay magaalada u baahnayd, adeegyadaasna ma imaan karaan haddii ay magaaladan kala qeybsantahay.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalinkii saddexaad ku sugan magaalada Caabudwaaq ayaa wada dadaallo iyo wadatashiyo ku saabsan dardargelinta hawlaha dib u heshiisiinta iyo nabadeynta oo saldhig u ah qorshaha socdaalka uu ku maray qeybo ka mid ah gobollada dalka .

Image may contain: 1 person, sitting, suit and indoor

Image may contain: 9 people, people smilingImage may contain: 6 people, people standing and indoor

Image may contain: 7 people, people sitting and weddingImage may contain: 3 people, people sitting and beard

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON