Sunday, July 13, 2025

AKHRISO: Magacyada Wasiiro, Xildhibaano iyo Weriyeyaal ku dhaawacmay Qarixii SYL

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dad isugu jira mas’uuliyiin iyo weriyeyaal ku dhaawacmay qarax maanta lagu weeraray Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Liiska madaxda iyo dadka ku dhaawacmay hoos ka akhriso:

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Nuux Faarax

Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga Maxamed Cali Xagaa

Wasiirka warfaafinta Maxamed Cabdi xayir Maareeye  oo sheegay Radio Muqdisho iyo TV-ga isagoo sheegay inuu xaalkiisu wanaagsan yahay, inkastoo jug kasoo gaartay.

Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed oo hore loo sheegay inuu dhaawac soo gaaray ayaa bartiisa  twitter-ka lagu sheegay inuusan ku sugneyn hotelka SYL ee qaraxu ka dhacay.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow

Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed

Weriyaasha dhaawacmay waxaa ka mida:

Agaasimaha SNTV Cabdinaasir Xuseen

Weriye Cabdifitaax Daahir Jayte – Radio Muqdisho

Weriye Maxamed Xasan National – Idaacada Radio Muqdisho

3 Camero man oo kamid ah

Qaraxxa
Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed oo dhaawac ka muuqdo

Qaraxa ayaa lagu soo beegay iyadoo Hotelka SYL uu ka socday seminaar looga hadlayay arrimaha amniga, waxaana marka qaraxu dhacayay uun la soo gabagabeeyay seminaarka oo wasiirka Amniga uu ka mid ahaa dadkii markaas ka baxyay Hotelka.

Ugu yaraan 9 weriye ayaa la soo weriyay inay ku dhaawacmeen Qaraxa oo ka mid ahaa kuwii ugu waaweynaa ee Muqdisho ka dhaca.

Waxaa weli soo baxaya dhaawacyada iyo dhimashada oo hadda hor ku dhaafay 60 isugu jira 10 dhimasho ah iyo 50 dhaawac ah.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON