Aqalka sare ee Baarlamaanka ayaa kulan ay maanta ku yeesheen xaruntooda ku doortay guddi uga qeyb galaya dib u eegista Dastuurka KMG ah ee dlaka.
Kulanka oo ay xaadir ahaayeen 46 Xubnood, waxaana shir guddoomiyey guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi, waxaa Gudiga oo ka koobnaa 5 xubnood ayaa loo qeybsaday qaabka 4.5.
Saddexda beelood ee Daarood, Digil & Mirifle iyo Beesha Shanaad ayaa min xubinta la siiyay ku soo xulay si tanaasul leh, laakiin waxay doorasho gaartay oo isu tanaasuli waayay beelaha Dir iyo Hawiye.
Beesha Hawiye waxaa guddiga isu sharxay:
Cabdi Xasan Cawaale Qeydiid iyo Maxamed Cusmaan Faarax Dhaga-juun, waxaana 38 cod ku guuleystay Cabdi Qeybdiid.
Beesha Dir waxaa isu sharxay:
C/kariim Maxamed Xasan iyo Deeqo Xasan Xuseen, iyadoo C/kariin Maxamed uu 29 cod ku guuleystay
Ugu danabeyn Magacyada Guddiga Aqalka sare ee dib u eegista Dastuurka waxay noqdeen:
- C/raxmaan Maxamed Maxamud-Faroole
- Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid)
- Xuseen Sheekh Maxamuud
- C/kariin Maxamed Xasan
- Iftiin Xasan Imaan