Friday, June 27, 2025

AKHRISO: Magacyada Musharixiin isu sharxay xilka Madaxweynaha Maamulka Galmudug

Musharixiin u tartamaya xilka madaxweynaha Galmudug ayaa isu sharxday jagadaasi, kadib markii xildhibaanada xilka ka qaaday madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ay ku adkeysteen inay doorasho qaban doonaan.

Guddiga doorashooyinka ee xildhibaanada kacsan ayaa diiwaan geliyay dhowr musharax oo xilkaasi u taagan, kuwaasoo la sheegay inay ku jiraan siyaasiyiin caan ah oo markii horeba ku lug lahaa xaaladda siyaasadeed ka jirta magaalada Cadaado.

Musharixiinta waxaa ka mid: Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ahaa xildhibaan hoer, Khaliif Axmed Ereg oo wasiir ka soo noqday dowladda Federaalka, Maxamed Cilmi Afrax oo hore ula tartamay C/kariin Guuleed iyo Liibaan Tahliil Warsame.

Waanwaan ay xubno ka tirsan labada gole u tageen magaalada Cadaado ayaa weli socon la’ iyadoo beel ka mida beelaha dhisay maamulkaasi ay ugu weyn tahay ololaha lagu doonayo in madaxweyne cusub ku yeelato Galmudug.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON