Wednesday, July 30, 2025

Akhriso: Magacyada musharixiinta kuraasta Banaadiriga ee maanta lagu dooranayo Muqdisho

Doorashada kuraas ka mida Aqalka hoose ee baarlamaanka ayaa maanta ka socota magaalada Muqdisho iyadoo ay ku tartamayaan musharixiin kasoo jeeda beelaha Banaadiriga.

Laba kursi ayaa lagu dooranayaa maanta magaalada Muqdisho, waxaana  xarunta Gaadiidka Booliska ee Muqdisho lagu dooranayaa labada kursi ee ay u sharxan yihiin Musharixiinta  kala ah:

Kursiga Koowaad waxaa ku tartamaya laba haween ah: Biibi khaliif Maxamed iyo Qamar Islow Nuur.

Kursiga Labaad waxaa ku tartamaya Saddex qof oo kala ah: Caamir Axmed Maxamed, Lutfi Shariif Maxamed, Shariif Maxamed Cali.

Labadan kursi ayaa ahaa kuwii ka harsanaa xildhibaanada Beelaha banaadiriga oo doorashadoodu ka dhaceyso Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON