Monday, June 30, 2025

AKHRISO: Magacyada Musharixiinta u taagan xilalka Guddoonka Baarlamanka Cusub ee Galmudug

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in Guddiga Doorashada Baarlamaanka Galmudug ay shahaadadii musharaxnimo siiyeen saddex musharax oo isu soo taagay xilka Guddoonka Baarlamaanka cusub ee Galmuudg.

Guddiga ayaa maanta araajida iyo codsiga musharaxnimo ka guddoomay saddex musharax oo kala ah: Maxamed Nuur Gacal, C/naasir Aadan Cusmaan & Cabdulalahi Axmed Calasow oo dhammaantood u taaganxilka guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sidoo kale sheegay inay Araajida musharaxninada ka qabteen Maxamed Sheekh Axmed Maalin oo u tartamaya guddoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug, waxaana la filayaa in musharixiin kale ay isla maanta kusoo biiraan.

Tartanka Doorashada Galmudug ayaa ka socda magaalada Dhuusamareeb oo ay hadda ku sugan yihiin siyaasiyiin fara badan iyo mas’uuliyiin ka tiran golayaasha dowladda Soomaaliya, kuwaasoo kala taageeraya musharixiinta u tartamaya xilalka maaumulka Galmudug.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON