Saturday, July 12, 2025

AKHRISO: Magacyada Odayaasha & Siyaasiyiinta Gobolka Bari ee lagu xiray Boosaaso & Diidmada Imaaraadka oo sii kordheysa

Xukuumadda Puntalnd ee Madaweyne Siciid C/llaahi Deni ayaa sii wada xariga odayaasha iyo siyaasiyiinta Gobolka Bari, kadib kacdoon waxgarada Gobolkaasi wadaan oo ku saabsan diidmada in Imaaraadka lagu wareejiyo ilaha dhaqaalaha Gobolka.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa magaalada Boosaaso lagu xiray markii labaad siyaasi Muuse Cali Jaamac oo loo heysto inuu ka horjeedo xukuumada Puntland iyo warar uu ka sheegay warbaahinta oo ku saabsan xaaladda maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ay xukuumada Puntland xirtay odayaal warbaahinta la hadlay oo ka hor yimid qorshe Imaaraadku kula wareegayo Garoonka Boosaaso iyo heshisikii hore ee dowladda.

Odayaasha Gobolka Bari ee u xiran Puntland waxaa ka mida:

1- Nabaddoon Maxamuud Axmed Rooble

2- Nabaddoon Cabdicasiis Axmed Maxamed (Baydhabo).

3- Nabadoon Diraac Yuusuf Buuxe

4- Nabaddoon Cawad Maxamed Faarax

5- Siyaasi Dr. Muuse Cali Jaamac

Nabaddoonada xiran ayaa qeyb ka ahaa shir ay magaalada Boosaaso ku yeesheen Jimcihii siyasiyin iy o dayaal reer Bari ah, kuwaasi oo ka horyimid Heshiiska DP World ee ballaarinta iyo dhismaha dekedda Boosaaso.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON