Tuesday, April 16, 2024

Akhriso: Magacyada Shan Nin oo Alshabaab toogasho ku fulisay Magaalada Jilib, kuna eedeysay…

Alshabaab ayaa dhan nin oo ay ku soo eedeysan basaasnimo ku fulisay xukun toogasho ah oo ka dhacay degmada Jilib ee Gobolka J/Dhexe.

Shanta nin ayaa Alshabaab toogashada ku fulisay ayey ku eedeysay inay la shaqeynayeen sirdoonka Mareykanka, ayna ku lugl ahaayeen sida la sheegay shirqoolo ay diyaaradaha Mareykanka ku duqeeyeen saraakiil ka tirsaneyd Al Shabaab, lana qabtay iyadoo hagaya diyaaradaha Drone-ka.

Ragga la toogtay waxay kala yihiin:

Ad

1- Abuukar Xasan Maxamed: 32 Sano jir la sheegay inuu qirtay inuu la shaqeynayey ay’adda CIA-da

2- Mahad C/qaadir Aadan (Mahad Qaadoole): 21 sano jir ah isna ayaa qirtay in uu la shaqeynayay CIA-da

3-Xasan Maxamuud Maxamed (Xasan dheere): 29 sano jir qirtay in la shaqeeyo CIA-da.

4- Axmed Cabdi Cabdullaahi Salmaan: 34 sano jir qirtay in uu basaas u ahaa CIA-da

5-Macalin Abuukar Maxamed Calasow: 63 sano jir isna qirtay in uu CIA-da la shaqeeyo.

Alshabaab ayaa xukunnada ay fuliso u cuskata qirasho shaki badan laga muujiyey iyadoo aan la soo bandhigin caddeymo lagu hayo dadkaasi oo sidoo kale aan lahayn qareeno u dooda.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON